Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Maamulka Gobolka Hiiraan oo Sheegay in Shareecada Islaamka ay ku Dhaqayaan Gobolkaasi
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 21 2008
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Sheegay in Shareecada Islaamka ay ku Dhaqayaan Gobolkaasi
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 21 May 2008

muqaalka magaalada beled weyneBaladweyne, (insidesomalia.org)- Kulan Looga hadlayay Arimaha Amaanka iyo nabadgalyada ayaa waxaa uu Magaalada Baladweeyn ee Gobolka Hiiraan ku dhex maray Maamulka cusub ee Gobolka iyo Ganacsatada.

Kulankani oo shalay ka dhacay Hotelka Galbeed ayaa qeeybaha kala duwan ee Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa looga hadlay sare u qaadida dhanka amaanka oo maalmihii ugu danbeeyay ay habacsanaan ku timid iyo sidii ay u wada shaqeeyn lahaayeen Maamulka Cusub iyo Ganacsatada Gobolkasi.

Xaaji Cusmaan Qataareey oo ka mid ah Ganacsatada Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Masuliyiinta cusub ee Gobolkasi in ay la socodaan marxaladaha ka oogaan Gobolka.

Ganacsadahaasi ayaa sheegay in looga baahan yahay Maamulka cusub maadaama ay yimaadeen in looga baahan yahay in ay Magaalada ka saaraan Ciidamada faraha badan ee Itoobiyaanka ee ku dhex daadsan Wadooyinka Magaalada B/weeyne, isla markaana fariisinka ku leh Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu xaaji Cusmaan Maamulka cusub u sheegay in looga baahan yahay in ay damaanad qaadaan Amaanka Shacabka Magaalada Baladweeyn, isla markaana ay soo celiyaan dadkii ka bara kacay Xaafadaha ka agdhaw Goobaha ay Ciidamada Itoobiyaanka ka degen yihiin Magaalada Baladweyn.

Gudoomiyaha Maamulka Magaalada B/weyn Saalax Muumin Muuse oo kulanka kadib shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Maamulkooda cusub qorshaha u degsan uu yahay in uu ku xukumo dadka Gobolkaasi Shareecada Islaamka ayna xiligan diyaarinayaan Ciidamo Booliis ah, si ay u hantaan amaanka guud ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada B/ween oo uu sheegay in talaabada ugu horeeysa ee laga qaadi doono Xaga amaanka.

Gudoomiyaha B/weyne ayaa shegay in ay wadaan talaabo ay kala arinsanayaan qeeyaba ka duwan ee dadka ku nool Magaalada B/weyn si loo xaliyo amaanka Magaalada.

Kulankani ay yeesheen Ganacsatada iyo Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa qeeyb ka ah kulamo kala duwan oo ay maalmahan la qaadanayeen qeeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Hiiraan.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >